Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay Tiina Intelmann (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan xoojinta iyo dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageerayo Dowladda Hirshabelle Sida Gurmadka abaaraha, Sugida amniga, Sare u qaadida mashaariicda horumarineed iyo dhisida awoodaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Hirshabeelle ay uga taageeri lahaayeen howlaha hortabinta u leh dowladda.

Related posts

Caro ka dhalatay Su’aal ay adag tahay in laga Jawaabo oo arday la weydiiyay

admin

Mooshin Xil ka qaadis ah oo goordhaw laga gudbiyay Madaxweynaha Galmudug

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Qoysaska Soomaalida ee ku nool qurbaha oo gaaray go’aan lala yaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---