Saraakiisha TPLF oo qirtay in dagaal looga qabsaday Magaalooyin istaraatiiji ah

Maamulka gobolka Tigray ayaa sheegay in dagaalyahannadiisa lagala wareegay gacan ku haynta magaalo u dhow xuduudka gobolka uu la wadaago dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Taliyaha ciidamada TPLF Gen. Tadesse ayaa qirtay in ciidamada wadajirka ah ee Itoobiya iyo Eritrea ay qabsadeen magaalada Sheraro.

Addis Ababa iyo Asmara ayaan ka hadlin arrintan isgaarsiinta oo go’day ayaa adkeysay in si madax bannaan loo xaqiijiyo.

Sheraro waxay ku taal meel 50km u jirta xuduudka. Tadesse ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dawladu ay la wareegeen magaalada Addi Arkay oo ah magaalo ku taal soohdinta u dhaxaysa Tigray, iyo maamulka ay dariska yihiin ee Axmaarada.

Ciidamada dawladu ayaa waxa ay wadaan qorshayaal ay kula wareegayaan magaalooyinka Axum, Adigrat, Shire, oo ay galaan Mekelle caasimada Tigray sida uu sheegay Tadesse.

Waxaa uu sheegay in hadafka ugu dambeeya ee dowlada uu yahay in hubka laga dhigo ciidamada Tigray.

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu ay si guul ah u fashiliyeen weeraradii ay bilaabeen ciidamada Tigray.

- Advertisement -