Ciidanka Huwanta oo xalay Al Shabaab kala wareegay Deegaano Hiiraan ka joogeen

Ciidanka milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo dadka deegaanka ah ayaa xalay dagaalyahanada Al Shabaab waxa ay kala weareegeen deegaano kuyaalla Koonfurta Gobolka Hiiraan .

Warbaahinta dowladda Soomaaliya afkeeda ku hadasha, ayaa sheegtay in ciidanka macawuusleyda iyo kuwa milatariga Soomaaliya weerar ku qaadeen deegaano Al Shabaab gacanta ku hayeen .

Deegaanada ciidanka dowladda iyo kuwa Macawuusleyda Al Shabaab kala wareegeen ayaa lagu sheegay Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, waxaana deegaanadan ka dhacay dagaal labada dhinac khasaaro kasoo gaaray.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgalkan hoggaaminayay ayaa sheegay in Al Shabaab khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen howlgalka ay uga xoreenayeen deegaanada kuyaalla koonfurta Gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan deegaano katirsan waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeya ciidanka dowladda ay wehliyaan maleeshiyaad deegaanka ah iyo kooxda Al Shabaab, waxaana ciidamada huwanta ah la wareegeen deegaano horey gacanta Al Shabaab ugu jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -