Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo Ballan qaaday in uu wax ka qabanayo Cabasho loo gudbiyay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay madaxda warbaahinta madaxa banaan iyo qaar ka mid ah hoggaanka ururadda saxaafada ee dalka.

Guddoomiyaha wuxuu warbaahinta kala hadlay ahmiyadda ay leedahay in tabinta
doorashada dhici doonto maalinta Axadda ah ee nagu soo aaddan ka yeelato aragti mideysan oo dan u ah qaranka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in warbaahinta ay saaran tahay mas’uuliyad culus marxalladaan doorashada ah iyo tabinta najiitadaba, wuxuuna ku booriyay in ay mas’uuliyaddaas ka soo dhalaalaan.

Madaxda warbaahinta ayaa ayagana dhankooda waxay Guddoomiyaha u bandhigeen dhibaatooyin ay ka tirsanayeen gudigga maamulka doorashada oo warbaahinta u diiday in ay gudaha u galaan una tabiyaan doorashada.

Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda warbaahinta in tabashadooda wax laga qaban doono.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay warbaahinta dadaalkooda horumarineed ee ay dalka ka wadaan waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Maraykanka oo weji gabax kala kulmay qaraar ka dhan ah kooxda Xamaas

Caydiid Ali

Maxkamadda Ciidamada oo lasoo taagay Masuul hore oo lagu eedeeyay in Al Shabaab ku biiray

Cabdi Cade

Wadankii Afaraad oo Carab ah oo heshiis rasmi ah la gaaray Maamulka Isra’il

Cabdi Cade
Taboola Ads ---