Xasan Sheekh oo Xaliyay Cabashadii Beesha Galmaax xilal cusubna u ballanqaaday (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay siyaasiyiin, waxgarad iyo ganacsato kasoo jeeda beesha Galmaax Yoonis oo katirsan beesha Abgaal.

Siyaasiyiinta Beesha Galmaax ee la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Cismaan Xaadoole, waxa ayna beeshan ka cabanayeen in madaxweynaha uga baxay ballan aheyd in uu siinayo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka garaabay cabashada beesha Galmaax Yoonis iyo ballamihii uu uga baxay oo ugu horeysan in uu siinayo guddoomiyaha gobolka Banaadir, balse markii dambe siiyay saaxiibkiis Madaale.

Siyaasiyiinta Galmaax iyo odayaasha dhaqanka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh farta ka saaray liis xilal ay beesha ka dooneyso dowladda uu hoggaamiyo, waxa uuna Madaxweynaha u ballanqaaday in uu siin doono inta karaankiisa ah si ay u qancaan.

Kulankan xalay dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasitiinta iyo waxgaradka beesha Galmaax Yoonis ayaa la sheegay in uu kusoo dhammaamaday is faham, waxa ayna labada dhinac isku raaceen in la joojiyo buuqa siyaasadeed ee maalmahan taagnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -