Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil la sheegay iney ka soo goosteen Al-shabaab oo la soo bandhigay (Sawirro)

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa soo bandhigay laba nin oo ay sheegeen inay ahaayeen Saraakiil ka goostay Al-shabaab.

Saraakiiisha Ciidanka ayaa sheegay in labada ruux ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug ee ku sugan Koofurta Gobolka Mudug.

Magacyada ragga isa soo dhiibay ayaa lagu kala sheegay Xassan Nuur Daleel oo magaciisa afgarashadu yahay Sharmaake iyo Maxamed Nuur Xassan.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa tilmaamay raggaan ay xiriiro kala duwan la soo sameyeen Ciidanka, isla markaasna ay u suura gashay in ay ka soo baxsadaan Al-shabaab.

Lama sheegin howlaha ay raggan u qaban jireen Al-Shabaab iyo sababta ku kalistay iney ka soo goostaan kooxdii ay ka tirsanaayeen.

Related posts

Daawo Sawirada: Warta Tunbuluq ee Muqdisho oo dib u dhis lagu sameenayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Gustavo oo shaaciyey inuu diinta Islaamka qaadanayo

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo wareegto ku Magacaabay guddi 13 xubnood ka kooban

Caydiid Ali
Taboola Ads ---