Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hogaamiyaha TPLF oo dalab xasaasi ah u diray Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay

Hoggaamiyaha Maamulka TPLF ee gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa Qaramada Midoobey u diray Warqad uu ku dalbanayo in la kala dhex galo iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili ay dhowaan dib u qarxeen dagaaladii u dhexeeyey ciidamada Itoobiya iyo falaagada TPLF ka dib markii ay burburtay xabad joojin shaqeyneysay muddo shan bilood ah

Debretsion oo qoraalkiisu ku taariikheysnaa 7da September 2022 ayuu kaga hadlay qodobo ay kamid yihiin xabbad joojin iyo in xal waara loo helo colaadda dhextaal iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Hoggaamiyaha Maamulka TPLF ayaa sidoo kale dalbaday gargaar bini’adanimo in lala soo gaaro shacabka gobolka Tigray oo uu sheegay iney dhan walba ka go’doomisay dowlada Itoobiya.

Related posts

khudbadii Madaxwayne Qoor Qoor ee Xalay oo dhinacyo badan tabaneysa Iyo sirta ku hoos dugan oo laga shakiyay !!

admin

Kuuriyada Waqooyi oo goor dhow baahisay War naxdin ku noqday Koonfurta

Caydiid Ali

Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo la kulansiinayo si khilaafka labada dal xal looga gaaro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---