Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Gustavo oo shaaciyey inuu diinta Islaamka qaadanayo

Madaxweynaha dalka Colombia Gustavo Petro ayaa sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu Diinta Islaamka Qaato, isagoo Waraysi Siinayey RCN TelevisiĆ³n.

“Diinta Islaamka Xikmadaha Nololeed iyo Ruuxeed ee ku jira horay ayaan ula dhacsanaa, laakiinse Sanadkan 2024 ayaa rabitaankayga Islaamku noqday 99%. Maanta haddaan xor ahaan lahaa oo aanan xilkan hayn lahayn saacad iguma qaadateen inaan Islaamka qaato, Go’aanka waan gaaray, balse waxaan Xushmaynayaa Bulshada Dalkan oo ah Catholic 68.9%, Marka ugu horaysa ee aan xilka wareejiyo, Waxaan u jeesanayaa dhinaca Makkah” ayuu yiri Madaxwaynaha.

Waxaa uu intaa ku daray in diinta saxda ah ee caalamka ay tahay diinta Islaamka.

“Diinta Saxda ah ee dunidan inay Islaamka tahay waxaan ku xaqiiqsaday waxyaabaha iiga muuqda Bulshada falastiin in ka badan 11 bilood ayaan Tv-yada ka daawanayaa bulsho dhul yar lagu soo ooday oo gantaalo lagu garaacayo kuwaasoo aan daawo, biyo iyo cuno midna haysan, haddana waxaan Alxamdulilaah ahayn afkooda kama soo baxayaan, samirka iyo iimaanka bulshadaas ka muuqata inay Mucjiso tahay qofkii u fiirsada dadka reer Qaza Wuxuu ogaanayaa in Caqiidadoodu ay dadkan sidan ka dhigayso oo ay ku dhisan tahay dunida kadib inay abaal marin heli doonaan” ayuu intaas ku daray.

Related posts

Cudur kale oo ka dilaacay Shiinaha & cabsi laga qabo inuu dunida ku faafo

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo caawa War soo saartay baaqna u dirtay DF iyo maamul GoboleedyadaĀ 

Cabdi Cade

Sweden: Ninkii ku caan baxay gubida Quraanka oo weerar lagu dhaawacay (Sawirro)

Caydiid Ali