Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo War ka soo saaray duqeyn uu ka geystay bartamaha Somalia (Akhriso)

Ugu yaraan 24 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga Cirka ah oo uu howl-galka Ciidanka Maraykanka Afrika ka geystay Gobolka Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay howlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Shabeelley oo qiyaastii 22-km Koonfur Galbeed ka xigta Magaalada Balad-weyne.

Ma jiraan wax dhimasho iyo dhaawac ah oo duqeynta ka soo gaaray dadka Rayidka ah ee ku nool goobaha la weeraray, sida lagu sheegay warka kasoo baxay AFRICOM.

Agaasimaha howlgallada Afrika, Gen. Gregg Olson ayaa sheegay inay wada shaqayn dhow leeyihiin Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamka, si ay loo dhowro shacabka.

Wuxuu sheegay agaasimuhu, in taxadarku uu yahay qeyb ka mid ah istaraatiijiyadda ay ku duulayaan, weerarrada ka dhanka ah xag-jiriintuna ay sii wadi doonaan, iyagoo kaashanaya saaxiibbadooda bahwadaagta la ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guri dhismihiisa ka socday Muqdisho oo dumay iyo Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade

Masar & Eritrea oo war xasaasi ah ka soo saaray Amniga badda Cas

Caydiid Ali

Siyaasi hore & walaalkiis oo toos loo toogtay iyagoo shir jaraa’id ka hadlaya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---