Madaxda dalka ugu sareysa oo si wadajir ah ugu Duceeyay dadka Soomaaliyeed (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa salaadda Jimcaha ku oogay Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxda sare ee dalka ayaa Alle ka baryey in uu ka dulqaado dalkeenna abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee ay la tacaalayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, uuna mideeyo quluubteenna, naguna mannaysto naxariistiisa iyo roobab ay ku diirsadaan dadka, xoolaha iyo deegaanku.

Dalka Soomaaliya ayaa xilligan waxaa ka taagan dhibaatooyin is biirsaday oo isugu jira abaaro baahsan iyo sidoo kale dhibaatooyin kale oo ka dhashay ammaan darada ka jirta qeybo badan oo dalka kamid ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dedaalo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, waxa ay sidoo kale dowladda diyaar garow ugu jirtaa howlgalo ay dooneyso in ammaanka dalka kula wareegto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -