(Daawo Sawirro) Xaflad weyn oo xalay Kismaayo loogu sameeyey Wafdigii RW Khayre

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay Munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay wafdiga Ra”isul Wasaaraha ee maalmahan booqashada ku joogay Jubbaland.

Waxaa Xafladan ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad ka jeediyey xafladan ayaa shaaciyay inuu guul ku dhamaaday wadahadal dheer oo ay la yeesheen loogana hadlay wada shaqeynta dowladda federaalka iyo Maamul gobaleedyada, ayna si gaar ah diirada u saareen tabashooyinka Jubbaland

Khayre ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Jubballand uu safar ku tegi doono magaalada Muqdisho dhowaan lana kulmi doono Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna sheegay in wada hadaladan ay sii socon doonan isla markana uu dhawaan la kulmayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka si loo dhamaystiro Heshiisyada labada dhinac.

Wafdigii Raisul wasaaraha ee maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa iney maanta dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -