Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Cumar Filish oo xariga ka jaray xarun muhiim ah oo la dayactiray (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xarunta baadi qabadka ee xoolaha nool oo lagu sameeyay dib udhis iyo dayactir.

Xarig-jarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho iyo ku-xigeenadiisa waxa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay oo u qeybsan sadax qeybood looguna talagalay in lagu ganaaxo xoolaha ku xadgudba bilicda Caasimadda.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Mxamed Maxamud ayaa warbaahinta u sharxay daahfurka xaruntani.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada hoose Xamar ay waajibaadkeeda ka gudan doonto xoolaha magaalada lagu soo fasaxo, kuwaasoo marka la qabto la geyn doono xaruntan si loo ganaaxo dadka iska leh ee magaalada ku soo fasaxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo hor leh aadna u hubeesan oo la geeyay Galgaduud iyo Wararkii u Dambeeyay

Cabdi Cade

Olgan Bekar & dowladiisa oo looga mahad celiyey taageerada ay siiyaan Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo Neef Geel ah ugu deeqay ciidan dagaal kula jira Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade