Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyay qodobo kamid Wax ka bedelka Dastuurka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo goordhaw kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka bedelka qodobo kamid ah Dastuurka KMG ee dalka.

Kulanka xildhibaanada labada Aqal ee lagu ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka ayaa waxaa soo xaadiray 254 xildhibaan oo isugu jira xildhibaanada labada Aqal ee golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo shirka guddoominayay ayaa xildhibaanada ka codsaday in qaab gacan taag ah ku ansixiyaan ama ku diidaan wax ka bedelka afar cutub oo katirsanaa Dastuurka KMG.

Waxaana wax ka bedelka Dastuurka si aqlabiyad leh u ansixiyay dhammaan xildhibaanada labada Aqal oo gaaraya 254 xildhibaan, mana jirin wax xildhibaan ama senator ah oo diiday ama ka aamusay ansixinta wax ka bedelka afarta cutub ee katirsan dastuurka.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya ayaana maanta kaddib galaya fasax dheer oo labo bilood ah, waxa ayna fasaxan galayaan iyaga oo fuliyay qeyb kamid ah rabitaankii madaxtooyada Soomaaliya.

Wax ka bedelka Dastuurka KMG cutubyo kamid ah ee goordhaw ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeday siyaasiyiinta mucaaradka ay ugu horreeyaan madaxda dalka ugu sarreysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -