Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Deegaanka Mubaarak iyo Khasaaro ka dhashay

Wararka ka imaanaya deegaanka Mubaarak oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi diyaarad dagaal ka fulisay duqeyn dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Duqeyntan ayaa wararku sheegayaan in ay fulisay diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn, waxaana lala beegsaday goob ay dad kala duwan ku sugnaayeen oo kuyaalla deegaanka Mubaarak oo ay maamulaan Al Shabaab.

Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in duqeyntan ku dhinteen todobo qof oo shacab ah oo isugu jiray baabuurey iyo dad kale oo beeraley ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay duqeynta dad kale oo goobta ku sugnaa.

Wali lama oga cida fulisay duqeyntan diyaaradeed ee ka dhacday deegaanka Mubaarak, waxaana horey duqeymo uga dhacay gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaano kale masuuliyadooda sheegtay dowladda Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin duqeyntan la sheegay in ay ka dhacday deegaanka Mubaarak, mana jiro ilo madax banaan oo xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay duqeyntan iyo cida rasmiga ah ee waxyeeladu kasoo gaartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -