Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ruto: “Uhuru Kenyatta si fiican iiguma hambalyeyn, kumana faraxsana guusheyda”

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay in madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta uu si gaabis ah ugu hambalyeeyey guusha uu ka gaaray doorashada.

Ruto ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay guusha uu ka gaaray doorashada, laakin wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in madaxweyne Kenyatta aanu ku faraxsaneyn in laga adkaaday musharixii uu watay ee Raila Odinga.

William Ruto ayaa hadalkaan ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishinka CNN

Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Kenya Uhuru Kenayatta ayaa si cad u sheegay inuu doorbidayay in madaxweyne loo doorto Raila Odinga.

Hadalka Kenyatta ayaa kusoo beegmaya xilli maxkamadda sare Kenya ay dhawaan ku dhawaaqday in William Ruto uu yahay madaxweynaha sida rasmiga loogu doortay Kenya.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in 13-ka September uu xilka ku wareejin doono Madaxweynaha la doortay ee William Ruto si waafaqsan dastuurka dalka.

 

Related posts

NISA oo digniin ka bixisay Qaraxyo laga cabsi qabo iney ka dhacan Muqdisho

Caydiid Ali

Laftgareen oo hal arrin uga mahad celiyey Madaxweynaha & Raisul Wasaaraha DF

admin

Dowlada Shiinaha oo Digniin adag kasoo saartay talaabo dowlada Mareykanka damacsan tahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---