Dowlada Shiinaha oo Digniin adag kasoo saartay talaabo dowlada Mareykanka damacsan tahay

Waxaa sii xoogeesanaya khilaafka u dhaxeeya dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka, waxaana maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta labada dhinac isku marinayeen hadalo khilaafka sii xoojinaya.

Mareykanka ayaa ku hanjabtay in ay soo rogi doonto cunaqabateyno adag oo ka dhan ah dowlada Shiinaha , waxa uuna Mareykanka cunaqabateyntan cusub uu ku hanjabay sabab uga dhigay sharciga amniga Qaranka oo Shiinaha ka hirgalinayo Hong Kong.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibdda Shiinaha Zhao Lijian oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay dowlada Mareykanka in ay isku dayeeso in ay dhaawacyo amniga Qaranka Shiinaha.

Waxa uuna ka digay afhayeenka in dowlada Shiinaha ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo jawaab ah, haddii Mareykanka uu u adkeysto inuu waxyeeleeyo danaheeda ku aadan maamulka Hong Kong.

Zhao Lijian ayaa sheegay in Beijing ay ashtako xooggan ka gudbisay hadal kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Robert O’Brien, kaasi oo sheegay in sharciga amni ee Hong Kong uu hoggaamin karo cunaqabateyn ka timaada Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -