Borotokoolka geerida iyo aaska Queen Elizebeth oo la dejiyay 68 sano ka hor

Elizebeth-ta 2aad oo ah boqoradda United Kingdom, Canada, Australia, New Zealand, Jamaica, Barbados, Bahamas, Grenada, New Balboa Gina, iyo jasiirado kale ayaa geeriyootay

Boqoradda oo gaartay da’da 96 jir, waxay noqonaysaa boqoraddii ugu cimriga iyo xukunka dheerayd taariikhda boqortooyada Ingiriiska 70 sano ayeyna boqorad aheyd.

Diyaar garow aad heerkiisu u sarreeyo oo muddo dheer soo billowday ayaa socday mudooyinkan, sababtuna waa iska caddahay oo geerideedu waxay noqotay dhacdada ugu saamaynta badan qarnigan, waxaana ka dhalanaya khasaare maaliyadeed oo gaaraya balaayiin doollar.

Janaasada boqoraddu waxay noqon doontaa dhacdadii ugu badnayd taariikhda aadanaha oo si toos ah loo daawado. Waxa la rumeysan yahay in 40% dadka dunida ku nooli ay janaasada daawan doonaan.

Muddo hadda laga joogo 70 sano, geeridii boqorkii George kii 6aad, dad kooban oo darajooyin sarsare dunida ka haya ayaa geeridiisa loogu diray qaab farriineed baaq sir ah, weerta la adeegsadayna waxay ahayd (Hide Park Corner). Sidaas bay mas’uuliinta sarsare ee dunidu ku ogaadeen geerida boqorka inta aanu warku warbaahinta dunida gaarin.

Warka ku saabsan geerida boqorad Elizebeth, si hoose ayaa loo faafiyey inta aanu warbaahinta gaarin, iyadoo la sii qorsheeyay in la adeegsado weerta aan sirta ahayn: London Bridge Is Down (Buundadii London Way Duntay). Borotokoolka arrintan oo la dejiyay 68 sano kahor, waxa uu sheegayaa in Xoghayaha Gaarka ah ee Boqoraddu uu la xiriiri doono Ra’iisul Wasaaraha oo iyaduna warka usii gudbin doonta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo iyaduna warka sii gaarsiin doonta dalalka 53-ka ah ee ku jira Suuqa Barwaaqo-sooranka (Commonwealth) oo ah dalal uu Ingiriisku gumaysan jiray. Intaas keddib, warku warbaahinta ayuu gaari doonaa. Warbaahinta dalka Ingiriiska dhammaan waxay haystaan faanuusyo ama laambado buluug ah oo loogu yeero Laambadaha Baroor-diiqda. Laanbadahaas hal meel baa laga wada shidayaa, shidistooduna waxay ka dhigan tahay in qof qoyska boqortooyada ka mid ahi uu geeriyooday, in kasta oo qofka uu yahay la sheegayn. Borotokoolku waxa kale oo uu sheegayaa in isla markiiba dhammaan warbaahinta Ingiriisku ay baahin doonaan muusik gaar ah oo baroordiiq ah oo horay loogu heshiiyay, taasoo ka dhigan tallaabo gogolxaar ah oo shacabka loogu diyaarinayo in lala socodsiiyo geeridii ku timid boqoradda.

BBC ayaa noqotay idaacadda ugu horreysa ee hesha warka geerida boqoradda oo tifaftiran, waxana u soo gudbin doona siiri digniineed gaar ah oo markii hore loogu talo galay in uu digniin ka bixiyo wax allaale wixii sawaariikh ah oo dalka lagu soo tuuro, kaasoo la yagleelay intii uu socday dagaalkii qaboobaa ee dunidu.

Markaas keddib, inta aanay taleefishanka BBC warka geerida baahin, weriyuhu qoor-xirkiisa waxa uu ku beddeli doonaa mid leh midabka madowga oo horay ay BBC ugu sii diyaarsatay maalintaasi. TV-ga BBC waxa uu baahin doonaa sawirro muddooyin kala duwan laga qaaday boqoradda, waxana laga saari doonaa heesta calanka dalka. Intaas keddib,  waxa la baahin doonaa warka naxdinta leh oo sidan u dhigan: “This is BBC television news. Buckingham Palace has just announced the death of the Queen” (Halkani waa wararka telefishanka BBC. Qasriga Buckingham waxa uu shaaviyay geerida Boqoradda). Waxa sidoo kale hoos loo dhigi doonaa calanka Ingiriiska.

Dhammaan qaybaha warbaahintu waxay dhacdadan isu diyaariyeen tobanaan sano kohor, waxayna muddo dheer kahor diyaarsadeen videos documentary ah oo ka hadlaya noloshii boqoradda.

Dad takhasus leh oo qoyska boqortooyada ka tirsani waxay heshiisyo rasmi ah la sii galeen warbaahin gaar ah si ay qaybaha  kale ee warbaahinta ugala hor maraan tebinta warkan. Kanaallada SKY iyo ITV waxay soo gudbin doonaan dhammaan wararka ku saabsan geerida boqoradda, magaca boqoraddana waxay ku beddeli doonaan magaca Mrs. Robinson.

Barnaamijyada maadeysiga ah ee BBC ka baxa dhammaan waa la joojin doonaa muddada 12 maalmood ahe ay socon doonto baroordiiqda geerida boqoraddu. Shirkadaha duullimaadyada dunidu dhammaantood warka geerida boqoradda waxay u gudbin doonaan rakaabka diyaaradohooda. London gebi ahaanba waa la xiri doonaa, waxana kulan degdeg ah isugu imaan doona baarlamaanka Ingiriiska.

Haddaba, imisa ayuu noqon doonaa kharashka ku baxaya geerida boqoraddu?

Dastuurka Ingiriisku waxa uu dhigayaa in gebi ahaanba kharashka ku baxaya aaska boqorka ama boqoradda ay dowladdu bixinayso. Annagu ma aynaan arag aas boqor ama boqorad Ingiriis ah muddo konton sano ka badan, hase yeeshee aaskii Amiirad Diana waxa toos u daawaday 2.5 billion oo qof, waxana ku baxay ku dhowaad $10 million. Kaasi waxa uu ahaa kharashkii aaska ku baxay oo qur ah.

Baanka Ingiriisku waxa uu haystaa wax ku dhow $3.6 billion oo waraaqo lacag ah oo la adeegsado kuwaasi oo dhammaantood xambaarsan sawirka boqoradda. Warqad kasta oo waraaqahaas lacagta ah kamid ah daabacaddeeda waxa ku baxay shan senti (£0.05). Sidaas darteed, waraaqahaas lacagta ah in dib loo daabacaa waxay Dowladda ka galaafanaysaa adduun dhan $200 million.

Hase yeeshee Boqortooyada Ingiriisku ma aha dalka keliya ee lacagtiisa beddeli doona. Waxa jira 35 dal oo dunida ah oo lacagtooda ay ku sawiran tahay boqorad Elizabeth-ta 2aad. Qiyaasta ugu dhow ee beddelista lacagaha intaas la’eg oo laga leeyahay dalalka intaas la’eg kharashka ku bixi doonaa waa $10 billion. Waxa intaas dheer, maalinta aaska boqoradda iyo maalinta caleema-saarka boqorka cusub oo Boqortooyada Ingiriiska ka noqon doona fasax rasmi ah, dowladdana ku kallifi doona adduun dhan $3 billion halkii maalin. Sidaas darteed, kharashka guud ee la filayo in uu ku baxo geerida boqoraddu waxa uu gaari doonaa $8 billion.

Sabriye Musse
moqokori@gmail.com

- Advertisement -