Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo la wareegtay Deegaan Ciidanka Milatariga Mushaar la’aan uga baxeen

Wararka ka imaanaya deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan dhinaca xeebta ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al Shababa xalay la wareegeen deegaankaasi.

Al Shabaab ayaa la wareegay saldhigyadii ay kasoo baxeen ciidanka Milatariga Soomaaliya oo shalay deegaankaasi kasoo baxay, waxaana Al Shabaab baaritaano ka sameeyeen deegaanka Dhanaane.

Ciidamada milatariga gaar ahaan  qeybta 12-ka Abriil ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo mudo dhowr bil ah saldhig ku lahaa deegaankaasi ayaa shalay kasoo baxay iyaga oo ka cabanayay mushaar la’aan iyo daryeel xumo.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in ciidamada Milatariga Soomaaliya kasoo baxaan aagag kale ay kaga sugan yihiin gobolada dalka, waxaana ciidanka maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayeen in mudo 4-bil ah aysan qaadan wax mushaar ah.

Al Shababa ayaa horey qaraxyo ugu dishay taliyaashii Milatariga qeybta 12-ka Abriil iyo ciidamo kale oo ku sugnaa a Dhanaane, waxaana deegaankaasi ciidanka hada kasoo baxay horey ugula wareegeen dagaal dhiig ku daatay balse hada sahal uga soo baxeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isra’il oo gaartay Go’aan walwal galiyay xulufada reer Galbeedka

Cabdi Cade

Sacuudiga oo sanadkan Muslimiinta dal Afrikaan ah u diidaya Xajka & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Rooble oo fuliyay Balan uu ka qaaday Xasan Sheekh iyo Shaki soo kala dhax galay Musharaxiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---