DEG DEG: Boqoradii Ingiriiska Queen Elizabeth oo geeriyootay, iyadoo 96 jir ah

Boqorad Elizabeth, oo ahayd boqoradii ugu xukunka dheerayd ee Britain, isla markaana madax ka ahayd dalkaasi todobaatan sano, ayaa geeriyootay iyadoo jirta 96 jir ah sida lagu sheegay war ka soo baxay qasriga Buckingham Palace.

“Boqoradda waxay si nabad ah ugu dhimatay Balmoral galabta,” Buckingham Palace ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.

Wiilkeeda curad Charles, oo 73 jir ah, ayaa si toos ah u noqday boqorka Boqortooyada Ingiriiska iyo madaxa dawladda 14 dawladood oo kale oo ay ku jiraan Australia, Canada iyo New Zealand.

Geerida ayaa lagu dhowaaqsay saacado kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Waxay ka tagtay afar carruur oo kala ah; Prince Charles, oo ah 73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir, ayaa tegay halka ay ku sugan tahay oo ah Balmoral Scotland, sida ay sheegtay boqortooyada.

- Advertisement -