Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

(Sawirro) Ciidanka NISA oo howlgalo culus ka sameeyey Magaalada Baydhabo

Ciidanka Hay’addda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Caawa  howgal ka sameeyey xaafadaha  iyo wadooyinka Magaalada Baydhabo.

Ciidanka ayaa  baarayey  dadka iyo gawaarida isticmaala wadooyinka  waaweyn iyo Xaafadaha magaalada.

Howgalka ayaa ujeedkiisu ahaa mid lagu sugaayey guud ahaan amniga Magaalada Baydhabo sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysay.

“Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo joogta ah ka wada guud ahaan koonfur galbeed Soomaaliya’ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska NISA ee Koonfur Galbeed.

Taliyaha NISA ee howlgalka hogaminayey ayaa Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada degmada ugu baagay  inay indho u noqdaan ciidamada amaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Lama sheegin dad lagu xiray ama hub lagu qabtay howlgalkan.

Related posts

Xubno katirsan Al Shabaab oo la dilay iyo mid nolosha lagu qabtay

Cabdi Cade

Abiy Ahmed oo ka hadlay Qaraxii Xeebta Liido

Caydiid Ali

Booliiska oo xiray Wiilal iyo gabdho jirdil u geestay Wiil kaddibna Muuqaal ka duubay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---