Sudan oo shaacisay hadal biyo qabow ku shubay xiisadii kala dhexeysay Itoobiya

Suudaan ayaa sheegtay inaysan xiise u qabin dagaal ay la gasho Itoobiya kaddib xiisadda ka dhalatay muranka dhul ku yaalla xudduuda labada dal.

Iskudhaca labada waddan ee hadda taagan wuxuu ku saabsan yahay dhulka loo yaqaanno Al-Fashaqa ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir kaasoo ku fiican dhanka beeraha. Waxaana dhulkan uu gudaha ugu jira Sudan, balse waxaa degan beeraley ka soo jeeda Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdook ayaa sheegay in Suudaan aysan wax dan ah ugu jirin inay dagaal ku qaaddo Itoobiya.

Wuxuu sheegay in dalkiisa aysan ka go’neyn in uu ka qeyb qaato dagaal kasta oo ka dhasha muranka xuduudda.

Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu Suudaan kula kulmay wufuud ka socotay dalka Finland oo dhexdhexaadin iyo xaqiiqo raadin u tagay gobolka.

Itoobiya waxay dhankeeda ku celcelisay baahida loo qabo in la baneeyo deegaanada uu khilaafka ka taagan yahay si loo xalliyo xiisadda.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa aysan dooneyn in cid kale ay faraha lasoo gasho xaaladda si loo xalliyo xiisadda ka dhex taagan labada waddan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -