Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo lacago badan u qeybisay Qoysas kunool Muqdisho (Daawo Sawirada)

Al Shabaab ayaa lacago badan oo Zako ah u qeybisay qoysas badan oo danyar ah kunool magaalada Muqdisho , waxaana munaasabada lacagta lagu qeybinayay kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan Al Shabaab.

Munaasabada lacagaha Zakada loogu qeybinayay qoysaska Danta yar ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan Al Shabaab uu kamid ahaa Gudoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir  Sheekh Muuse Cabdi Carraale.

Al Shabaab ayaa 150-qoys oo danyar ah midkiiba u qeybisay lacag gaareysa 500-Dollar, waxaana dadkii lacagaha loo qeybiyay uga mahad celiyeen Al Shabaab lacagahaasi ay gudoonsiiyeen.

Gudoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan  gobolka Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya dhibaato badan ku heyso shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa lacago iyo xoolo ay Zako ahaan dadka uga soo qaadaan usii qeybiya qoysaska danta yar, lamana shaacin munaasabadan lacagta loogu qeybiyay qoysaska degan magaalada Muqdisho goobta lagu qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Baar Sanguuni

Cabdi Cade

Warqad uu Osama Bin Ladin qoray oo laga mamnuucay Tiktok iyo xogta waxa ku qoran

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Magaalada Abu Dhabi iyo Diyaarado Drone oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---