Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka Maamulka Galmudug oo meel mariyey sharci muhiim ah (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa shir guddoomiyay fadhigii maanta waxaana ku wehlisay Gudoomiye ku xigeenka labaad Marwo Faadumo Cabdi Cali.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaay:

  1. Akhrinta 3aad & Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Guddiga Madaxa-bannan ee Doorashada Galmudug.
  2. Akhrinta 3aad & Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Ururada & Xisbiyada Siyaasadda ee Galmudug.

Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Dastuurka, Dib-u-hishiisinta iyo Arrimaha Gudaha Golaha Baarlamaank Galmudug oo akhriska 3-aad ku samaynayey Hindise-Sharciyeedka Gudigga Madaxa-bannan ee Doorashada Galmudug iyo Hindise-Sharciyeedka Ururada & Xisbiyada Siyaasadda ee Galmudug, Gudigga ayaana codsaday in la ansixiyo Labada Sharci

Qaar kamida Xildhibaanadda ayaa soo jeediyay in wax laga badalo Qodobka 9-aad ee Hindise-Sharciyeedka Gudigga Madaxa-bannan ee Doorashada Galmudug qodobkaas oo sheegayana in Tirada guddiga ka kooban yahay 11 xubnood soo jeedinta kadib Gudoomiyaha ayaana cod u qaaday wax ka badalka Qodobka 9aad Xildhibaanadda ayaa hab gacan taaga ku ansixiyay in laga dhigo 7 xubnood.

Intaa kadib Xildhibaanadda ayaa Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Guddiga Madaxa-bannan ee Doorashada Galmudug waxaana u codeeyay  48 Mudane waxaa diiday Labo(2) waxaana ka aamusay hal(1)

Sidoo kale, Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Ururada & Xisbiyada Siyaasadda ee Galmudug waxaana u codeeyay  51 Mudane waxaa diiday Ebar(0) waxaana ka aamusay Ebar(0).

Ugu danbayntii, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-hishiisiinta Galmudug ayaa Golaha Baarlamaanka Galmudug ugu mahadceliyay labada Sharci ee maanta la ansixiyay, waxa uu sheegay in labada Sharci muhiim u yihiin Dawlad Goboleedka Galmudug Laguna dhaqmi doono marka uu Madaxweynuhu saxiixo.

Related posts

Duqeyntii Mareykanka ee Kuunyo Baroow oo la sheegay in lagu dilay Ganacsade Caan ah iyo Geel ….

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy oo Hanjabaad culus kasoo diray jiida hore ee dagaalka

Cabdi Cade

Xildhibaano badan oo gaaray Kismaayo iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkooda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---