Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Jubbaland oo adkeeyay amniga xeebaha kaddib cabsi soo korortay

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la galiyay heegan, kaddib cabsi laga qabo in ciidanka dowladda Soomaaliya ku daabuleyso deegaanka Raaskabooni ee gobplka Jubbada Hoose gaaraan deegaanno kale oo gobolka katirsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa geysay deegaanka Raaskanbooni ciidamo badan oo hubeysan, waxa ayna dowladda dooneysaa in ay gaarto magaalada Kismaayo oo gacanta ugu jirta maamulka Axmed Madoobe, si loo soo afjaro jiritaanka maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhankiisa abaabul xooggan ka wada magaalada Kismaayo, waxa uuna hadda amray in cidamo badan la geeyo deegaannada xeebaha dhaca ee gacanta ugu jira maamulkiisa.

Ciidanka dowladda oo adeegsanaya doonyo ayey suurto gal tahay in ay u tallaabaan deegaanno kale oo maamulka Axmed Madoobe ka arrimiyo, waana midda hadda cabsida ku kordhisay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Muuqaal laga baahiyay Tv-ga ku hadla afka maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in la adkeeyay amniga dhulka xeebaha, waxaana muuqaalka laga arkayay ciidamo hubeysan oo bannaanka xeebaha fadhiya kuna jira heegan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

41 Al Shabaab ka tirsan oo duqeyn lagu laayey (War-saxafadeed)

Caydiid Ali

Aaden Barre Ducaale oo si kulul uga hadlay khilaafka Maamul goboleedyada & dowlada dhexe

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaano dhawwaan lagu doortay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---