Cilmi Cali Guuleed oo u geeriyooday dhaawac halis ah oo la gaarsiiyay

Wararka ka imaanaya Waqooyiga Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ku geeriyooday Madaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federalka  u fadhiyay magaalada Gaalkacyo Cilmi Cali Guuleed .

Kooxo hubeesan ayaa habeen hore rasaas ku furay Cilmi Cali Guuleed xilli uu ku sugnaa waqooyiga Gaalkacyo, waxaana rasaas madaxa kaga dhacday saacadihii lasoo dhaafay xaaladiisa lagula tacaalayay isbitaal kuyaalla Gaalkacyo uu xalay ku geeriyooday.

Maamulka Puntland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin weerarkan lagu dilay Madaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federalka u fadhiyay magaalada Gaalkacyo Cilmi Cali Guuleed .

Magaalada Gaalkacyo ayaana la filayaa in aas loogu sameeyo Cilmi Cali Guuleed , waxaana aaska masuulkan lagu wadaa in ay kasoo qeyb galaan masuuliyiin katirsan maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dilka masuulkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo kahor xabsi kuyaalla magaalada Gaalkacyo ka baxsadeen rag loo heestay in ay katirsanaayeen Al Shabaab, kuwaa oo horey xukun dil ah ugu riday maxkamada ciidamada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -