Madaxweyne Qoor Qoor oo ballanqaad u sameeyay Dadka deegaanka Baxdo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo kusugan deegaanka Baxdo ayaa la kulmay bulshada qeybaheda kala duwan, oo ay kamid ahaayeen Culimada, wax garadka iyo haweenka.

Madaxweynaha ayaa ku dhiiri galiyay bulshada Baxdo sida ay iskaga difaaceen kooxdii argagixisada ahayd ee duullaanka qaawan ku soo qaaday deegaanka, waxuuna si gaar ah ugu amaanay sida naf hurnimada leh ay isaga difaaceen argagixisada.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale mid mid u dhagaystay bulshada degmada Baxdo, kana waraystay baahiyaha ka jira deegaanka, sidoo kalana u balan qaaday in si gaar ah loo garab istaagi doono, isagoona madaxweynuhu ugu baaqay guud ahaan shacabka deegaanada Galmudug inay u istagaan ka hortagga falalka gurracan ee kooxda argagixisada ku hayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -