Waa Tuma Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka noqotay dalka Britain ee Liz Truss ?

Waxa shalay gabi ahaanba dhammatay Muddo xileedkii Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson, Isaga oo aha Ra’iisul Wasaarihii saddexaad ee Britain yeelato tan iyo markii la qaaday aftidii Brexit.
Waxana uu xilka ku wareejin doona murashaxadii uu isagu xilkaa la jecela ee Liz Truss, taas oo uu had iyo jeer u hiilin jiray in ay xilka hanato mar uun, haddaba  Liz ayaa noqonaysa Ra’iisul wasaarihii saddexaad Ingiriiska ee haweenay ah ka dib Margaret Thatcher iyo Theresa May.
Laakiin guusha ay siyaasiyadani ku adkaystay in ay xilkiisa gaadho kuma ekaan doono hayaanku bisheeda malabka uun, Ee waxa horyaala hawl badan oo adag.
Marka la eego dhaqanka so jireenka ah ee xil wareejinta Boqortooyada Ingiriiska, Ayaa ah in
Guddiga doorashada xisbigu ku dhawaaqdo magaca qofka ku guulaysta doorashada, Waxana ku xigi doona in Johnson uu xilka Xukuumadda & Xisbigaba ku wareejiyo dhaxal-sugaha Dalka, Ka dibna uu jeediyo khudbadiisa sagootinta, Ka hor inta uusan istiqaaladiisa u gudbin boqorada Elizabeth, Boqorada ayana magacabaysa bedelkiisii la doortay.
Hogaamiyadan cusub ee Britain yeelatay ayaa dagaal weyn la gashay ninkii la tartamayey ee Rishi Sunak ila ay ugu danbayntii ka guulaysatay, Doodidihii iyo isku dayyadii lagu kasbanayey qancinta codbixiyayaasha xisbiga ayey in badan diiradda ku saartay xaaladda dhaqaale iyo mida nolosha dadka Ingiriiskaba, Kuwaas oo uu haysto maanta welwelka wayni, waxana u keenay welwelkan bulshada Ingiriiska Brexit dhacay ee ay kaga bexeen yurub iyo Dagaalka ka socda Dalka Ukraine.
Dhanka kale Sunak oo isna dagaal la galay Truss ayaa ah nin hantiile ah, Waxana wiilkan awoow u aha soo-galootigii Hindida Arintan ayaana ah ta  sida gaarka ah u wiiqday fursadiisi guusha ee uu wiilkani gaadhi lahaa, Waayo Boqortooyada Ingiriiska weli diyaar uma aha in ay siiso jagadan qof aan caddaan ahayn taas oo ah nooc cunsuriyada.
Docda kale Waxay taageerayaasha xisbiga Conservative-ku ku eedeeyeen Boris Johnson
in uu khiyaameeyey iyaga, Markii uu goor hore is casilay ka dib xatta markii ay meesha ka baxday xiisadda soo food saartay Ra’iisal Wasaaraha,
Waxayna aakhirkii is casiladiisu keentay in ay xukumadiisi burburto oo mesha ka baxdo.

Hadaba Liz Truss waxay dhalatay July 1975,
Waa siyaasiyad Ingiriis ah oo cilmiga dhaqaalaha ka baratay jaamacadda Oxford,Waxay soo haysay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Tan 2021-kii ila hada, Sido kale waxay so qabatay 2019 kii Xilla Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Sinnaanta, Waxay sido kale xilal kala duwan ka soo qabatay Xukumadihii David Cameron,Theresa May iyo tan Boris Johnson.
Waxayna horseed u ahayd ololeyaal badan oo dib-u-habayn loogu samaynayey dhinacyada siyaasada Dalka Ingiriiska, Waxana ka mid aha dhinacyada daryeelka caruurta, xoojinta barashada xisaabta iyo sido kale hagaajinta dhaqaalaha, waxay aasaastay mashariicyo, Waxayna qortay iyadu ama ay wax ka qortay bugaag badan waxay qayb ka noqotay cilmi baarisyo dhowra.
Ra’iisul wasaradan cusub ayaa wajahaysa caqabado badan oo wa wayn, Waxa laga raba in ay si deg deg ah wax uga qabato korodhka ba’an ee ku yimi korontada Dalka, kaas oo culeys weyn ku haya qoysaska, dugsiyada, isbitaallada iyo xarumaha ganacsiga, waxa sido kale loga fadhiya in ay wax ka qabato kicinta colaadaha bulshada Ingiriiska oo maraya hada meel aan la arag tan iyo xilligii Thatcher.
Truss ayaa ololaheedii doorashada ku gashay in ay hayso barnaamij geesinimo leh, Kaas oo taageeraya kobaca dhaqaalaha, waxayna ballanqaaday canshuur dhimis ballaadhan, Balse kuwa ka soo horjeeda iyada ayaa si xooggan u weeraray barnaamijkeeda dhaqaalaha, Maqaal dheer oo lagu qoray The Guardian ayaa lagu sheegay in Truss barnaamijkeedu uu yahay  mid ku dhisan gorgortan iyo istiraatijiyad qabow isla markana ay maskaxdeeda u beddesha si sahlan, waa mar kasta oo aysan arkayn faa’iido la taaban karo jeerka, The Guardian ayaana arinka Tusaale ahaan u soo qaatay 2016, marka oo ay Truss ka soo horjeeday in dalkeedu ka baxo Midowga Yurub, Balse ka dib markii la doortay Boris Johnson Waxay u soo guurtay xerada taageerayaashi ka bixitaanka Midowga Yurub ee uu Boris Johnson hor bodayey iyada oo aragtideedi hore ka siibatay si fudud.
Waxa qoray: Eng Samaale Mo Somaali
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -