Madaxweyne Qoor Qoor oo wada abaabulka Dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhulka ah ku maraya deegaano katirsan Gobolka Galgaduud, ayaa  la kulmay odayaasha iyo waxgaradka deegaaka Ardo.

Odayaasha iyo wax garadka deegaanka ayaa madaxweynaha waxaa uu ka dhagaystay warbixinno, iyagoona odayaasha xusay in dadka deegaanka ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u sheegay Odayaasha in uu bilaabanayo howlgalo iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab , waxa uuna xusay in looga baahan yahay in doorkooda ka qaataan dagaalka iska difaacaan kooxdaasi.

Qoor Qoor ayaa sheegay in ay kordheen dhibaatada iyo tacadiyada ay dadka u geesanayaan kooxda Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in aan loo sii dulqaadan karin ficilada ay kooxdaasi kula kacayaan dadka shacabka ah.

Safarka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu ku marayo deegaanadaas ayaa daaran u diyaar garowga Galmudug ugu jirto dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab ,iyagoo kaashanaya ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -