Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo war cusub ka soo saaray gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in hadda ka dib aan loo baahan doonin in la xirto afxirka taasoo sii fududeyneysa xayiraadaha cudurka corona ee la xiriira Xajka.

Afxirka ayaa wali laga doonayaa in lagu xirto gudaha Masjidka Xaramka ee Maka oo ku hareereysan Kacbada, halkaasoo ay Muslimiintu ku tukadaan, iyo Masjidka Nabiga ee Madiina, oo uu Nebi Muxamed NNKH ku aasan yahay, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Isniintii Wakaaladda Wararka Sacuudiga oo soo xiganeysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Marka laga soo tago shuruudahaas, “afxirka haatan loogama baahna in lagu xiro goobaha kale ee xiran”, in kasta oo milkiilayaasha xarumaha ay ku adkeysan karaan in la xirto afxirka”, ayay lagu yiri warbixinta.

Boqortooyada sidoo kale haatan dadka ugama baahna inay keenaan caddaynta tallaalka marka ay raadinayaan codsiyada gelitaanka meelaha xiran.

Dufcaddii ugu horreysay ee xujeyda ajnabiga ah ee timaadda Sacuudiga tan iyo intii uu bilowday xanuunka Covid-19 ayaa toddobaadkii hore soo gaaray Sacuudiga kuwaas oo ka yimid Indonesia.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Boqortooyada Sacuudiga ay isku diyaarineyso soo dhaweynta ku dhowaad ​​850,000 qof oo Xujey ah oo ka imaanaya dalka dibadiisa si ay uga qeyb qaataan gudashada acmaasha xajka.

 

Related posts

Labo kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo niyad jab lasoo darsay

Cabdi Cade

Qarax xoogan oo ka dhacay afaafka hore Maxkamad kutaala magaalada Boosaaso

Cabdi Cade

Kenya oo ciidamo booliis ah u dirtay Dal ka baxsan Qaarada Afrika oo amni darro ka jirto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---