Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo u digtay heyaddo dalka ka howlgala

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Xaashi Cali  ayaa sheegay in Wasaaradda siyaasad iyo nidaam ahaan ay dadaal ugu jirto sidii loo joojin lahaa gudniinka fircooniga ah.

Wuxuu sheegay inay jiraan shaqsiyaad sheegta magacyada Hay’ado oo dhaqaale ku soo qaata arrimaha gudniinka, wuxuuna tilmaamay dadkaasi inay wadaan nidaam aan sax aheyn, midaasina aanan raali nooga noqon doonin.

C/llaahi Xaashi Cali ayaa digniin u diray hay’adaha ka shaqeeya arrimaha wacyigalinta gudniinka Fircooniga ah ee aan soo marin wasaaradaha ku shaqada leh ee dawladda.

“Wasaaradda siyaasad ahaan iyo nidaam ahaan waxay dadaal ugu jirtaa sidii loo ciribtiri lahaa gudniinka fircooniga ah, waxaa jira shaqsiyaad sheegta magacyada Hay’adaha oo dhaqaale ku soo qaata arrimaha gudniinka fircooniga, kadibna waxay doonaan dalka ka sameeya, midaasi looguma dul qaadan doono.” ayuu yiri Agaasimaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xilka u kala wareejiyay labo wasiir (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Amaanka oo maanta ansixinaya qaraar Somalia ku saabsan

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka qaraar ee ciidamada Ruushka iyo Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---