Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Martin Griffiths oo gaaray Baydhabo lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA Martin Griffiths .

Kulanka waxaa looga hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa bulshada ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dalka.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay qiimeenayaan xaalada ka dhalatay abaaraha Soomaaliya, waxa uuna ballanqaaday in ay gacan ka geesan doonaan u gurmashada dadka abaarta saameesay.

Kulanka ka dhacay madaxtooyadda maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo eedeyn cusub u jeedisay garab ka mid ah TPLF

Caydiid Ali

Xildhibaano cabasho u gudbiyey laamaha amaanka DF (Maxaa soo kordhay)

Caydiid Ali

(Sawirro) Jubbaland oo meel marisay xeer cusub ka dib shir ka dhacay Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---