DF oo War kasoo saartay weerarkii Al Shabaab dadka ku dileen kuna gubeen gaadiidka

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerar Al Shabaab ku dileen dad badan oo shacab ah. oo la socday gaadiid xamuul siday oo marayay deegaan u dhaxeeya Baledweyn iyo Maxaas.

Dowladda ayaana sheegtay in Al Shabaab weerarkan ay geesteen uu muujinayo in aysan cidna u tureen , waxa ayna dowladda sheegtay in weerarkan muujinayo in Al Shabaab tabar dhigeen ayna awoodin in ay kahor tagaan ciidanka dowladda.

War saxaafadeedka dowladda federaalka kasoo baxay ayaa u qorna asida tan

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xuntahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxaha Argagixisada ah ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaan waxaa uu muujinayaa cadownimada kooxda nabad-diidka ah ee Al shabaab iyo in aanay dadka Soomaaliyeed u tureen, waxa kale oo uu hoosta ka xariiqayaa xanuunka ka gaaray dagaaladii wadajirka ahaa ee ay la galeen bulshada deegaanka oo kaashanaya dowladooda.

Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay garab taagan tahay dadka deegaanka ee is abaabulay una taagan iska kor qaadidda kooxahaan cadowga ku ah jiritaanka dadka Soomaaliyeed, waxaana iyada oo kaashanaysa dadka deegaanka ka bixin doontaa jawaab u dhiginta.

Waxaa naga go’an in kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab in waddanka laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdaan, waxa ayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in maleeshiyadaan dalka laga xoreeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -