Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Dhambaal uu ka sidey Madaxweynaha gaarsiiyay Amiirka Qatar

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhambaal uu ka sidey Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Amiirka Qatar.

Ergeyga oo casuumad rasmi ah ku tegay dalka Qatar ayaa kulan la qaatay wasaaradda Arrimaha debedda, isaga oo u gudbiyay dhambaal qoraal ah oo uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku aaddanaa sidii Dowladda Qatar uga qeybqaadan lahayd gurmadka Abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.

Ergeyga aya ka sokoow dhambaalka uu gudbiyay dowladda Qatar waxa uu si faahfaahsan uga warramay Amiirka dalkaasi xaaladda daran ee ka dhalatay abaarta ka taagan waddankeena Soomaaliya qeybo badan oo kamid ah.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowlafaha Carbeed ee Soomaaliya uga taageera dhinacyo kala duwan, waxa ayna Qatar marar badan gargaar bini’aadanimo ay soo gaarsiisay Soomaaliya loo qeybiyay dad ay abaaraha saameeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -