Suldaan Abuukar: “Beesha Habar-idinle ma Metelo Nabadoonka ugu jira 135-ta oday ”

Suldaan Abuukar Socdaal Abtidoon oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Murusade ayaa ka hadlay arrimaha maamul u sameynta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb iyo fara gelin uu sheegay in lagu hayo qaab socodka dhismaha maamulkaas.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Suldaan Abuukar Socdaal Abtidoon waxaa uu ugu horeyn soo dhoweeyey dedaalka iyo juhdiga dowlada federaalku ku bixisay sidii dhidibada loogu aasi lahaa Galmudug mideysan, kaasoo uu xusay in intiisa badan uu guuleystay.

“Waan bogaadinayaa dedaalka hagar la’aanta iyo naf hurnimada leh ee dowlada federaalku ku bixisay sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo dadka degaanadaas raali ka wada yihiin, waxaana ugu baaqayaa in inta dhiman inay ku dhameyso dariiq toosan iyo wanaag insha ALLAAH” ayuu yiri Suldaanka oo dhinaca kale ugu baaqay 11-ka beelood ee ku dhaqan Galmudug, iney isu sabraan, isu tanaasulaan, meelna uga soo wada jeestaan ka faa’iideysiga khayraadka bad iyo dhulba leh ee Galmudug dhex ceegaaga.

Suldaan Abuukar Socdaal Abtidoon ayaa dhinaca kale ka waramay fara gelin lagu hayo nabadoonada beelaha u soo xulaya Xildhibaanada ku metelaya Galmudug oo uu xusay in kuwii saxda ahaa qaarkood lagu bedelay dad aan nabadoono aheyn oo dano gaar ah laga leeyahay.

“Ujeedada ugu weyn ee shirkan jaraa’id waxay tahay inaan ka digno isbedel lagu sameeyey qaar ka mid ah nabadoonadii saxda ahaa ee beelaha u soo xuli lahaa xildhibaanada Galmudug, beesha Habar-idinle oo ka mid ah beelweynta Murusade waxay cadeyneysaa inuusan metelin ninka lagu magacaabo Yuusuf Axmed Maxamed (Bootaan) oo ka mid ah 135-ta oday, Ninkaas waa nin walaalkey ah, waa nin oday ah balse aan nabadoon u aheyn beesha, waxaan ka codsaneynaa guddiga doorashada Galmudug iyo Wasaarada arrimaha gudaha iney ninkaas u fahmaan sidaan u sheegeyno, waxaana cadeynaynaa in uusan na metelin cid uu wakil ka yahayna aysan jirin, wixii uu soo xulana waxaan u aragnaa xaaraan, beeshuna ma aqbali doonto” ayuu yiri Suldaan Abuukar Socdaal Abtidoon.

Waxaa uu sheegay in dowlada Somalia looga baahan yahay iney ku shaqeyso rabitaanka beelaha, ayna howsha socota ka qeyb geliso dadka saxda ah ee loo aqoonsan yahay iney metelaan beelaha taasoo haddii ay dhici weyso keeni karta buu yiri ismaan-dhaaf iyo dhibaatooyin aan dhamaan.

Ugu dambeyn Suldaan Abuukar Socdaal Abtidoon ayaa sheegay iney jiraan dad badan oo sheeganaya oday dhaqameedyo iyo Nabadoono kuwaasoo ay gadaal ka riixayaan siyaasiyiin dhuuni qaatayaal ah, si ay danahooda gaarka ah ugu fushadaan, wuxuuna xusay in oday dhaqameedyada saxda ah ee beelaha la wada yaqaano loona baahan yahay in dowladu ay kuurgasho arimahaas, si looga fogaado qaladaad ay adkaan doonto in dib laga saxo.

Hadalka Suldaan Abuukar Socdaal Abtidoon ayaa ku soo beegmaya xili ay cabashooyin ka soo yeerayaan beelaha Galmudug qaarkood ka dib markii la bedelay nabadoonadii saxda aha ee horey loogu diiwaan geliyey soo xulida xildhibaanada ku metelaya baarlamanka Galmudug oo lagu wado in dhowaan la yagleelo.

Hoos ka daawo hadalka suldaanka oo dhameystiran

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -