DEG DEG: Madaafiic ku habsatay xaafado ku dhow Villa Somalia & Khasaare ka dhashay

Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa waaberigii saaka si wayn u hareeyay agagaarka xarunta madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho.

Hoobiyayaasha oo tiradooda lagu sheegay saddex ayaa jugtooda si wayn looga maqlay aaga madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaafiicdaas ay ku habsadeen xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar-weyne iyo Boondheere, iyadoo la sheegayo inuu jiro khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Mid ka mid ah Hoobiyeyaashan ayaa ku dhacay guri ku yaala xaafadda Casa Italia ee Degmada Xamar weyne, hal ruux ayaa ku geeriyooday waxaana ku dhaawacmay sadax kale.

Sidoo kale, Xaafadda Wiil-waal ee degmada Boondheere guri ku yaalla oo hoobiye kale uu ku dhacay ayuu hal qof ku dhaawacmay.

Warar kale ayaa sheegaya in hoobiye ku dhacay Masaajid ku yaala xaafadda Busley ee degmada Boondheere uu hal qof ku dhaawacmay.

Xaalada ayaa hadda degan, mana jiro war ka soo baxay laamaha amaanka oo ku saabsan madaafiicdan oo la aaminsan yahay iney soo rideen Al-shabaab oo dagaal adag kula jirta DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

- Advertisement -