Musiibo ka dhalan karta markab shidaal sida oo ku xumaaday biyaha Badda Cas oo laga digay

Markab sida shidaal aad u badan ayaa ku xumaaday meel u dhow xeebaha dalka colaadaha sukeeye aafeeyeen ee Yemen , waxaana laga cabsi qabaa in markabkan xumaaday shidaalka uu wado badda ku daato.

Markabkan oo lagu magcaabo FSO Safer oo sida shidaal ka badan illaa hal million oo foosto , waxaana markabkan la sheegay in uu yahay mid duugoobay oon muddo helin wax dayactir ah lagana cabsi qabo in shidaalka uu wado ku daato badda.

Qaramada Midoobay ayaana ka digtay musiibo weyn oo ka dhalan karta shidaalka markabkan sida haddii uu ku daato badda cas oo ah marin biyood aad u muhiim ah ay maraan maraakiib badan.

Warka kasoo baxay Qaramada Midoobaya ayaa lagu sheegay in lacag dhan 80-Milayn oo   dollar ay ku baxeyso howlgalka lagaga hortegayo inuu daato shidaalka ku kaydsan markabkani, waxa ayna sheegtay in uu lamid yahay bam badda dhax yaala oo sugaya in uu qarxo kaliya.

Qaramada Midoobay ayaa haatan sheegaysa in qaaraan-bixiyayaashu ay ku yabooheen illaa $66 million oo dollar, taas oo weli la sugayo in la helo illaa $14 million oo dollar oo ka dhiman kharashka la sheegay inuu ku baxayo hawlgalka badbaadada ee markabkan.

Saraakiil katirsan Qaramada Mikdoobay ayaa sheegay in lacagta badankeed aan wali lagu shubin bangiyadii loo qorsheeyay, waxa ayna sheegeen kaliya in hadda la hayo oo bangiyda lagu shubay lacag dhan 10-milyan oo dollar.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda markabka FSO Safer, hadda  tahay mid halis badan, waxaana laga cabsi qabaa in uu markabku shidaalka daadiyo ama qarxo xilli kasta, waxaana taasi ka dhalan karta musiibo weyn oo deegaanka soo gaara.

Markabkan shidaalka wada haddii uu qarxo ayey sheegtay Qaramada Midoobay in ay keenayso khasaare ka badan illaa $20 billion oo dollar oo ah nadiifinta oo keliya, sidoo kale halis gelinayo nolosha illaa 200,000 oo qof oo ku tiirsan kalluumaysiga biyaha badda cas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -