Faah Faahin kasoo korortay Buundo ku burburtay Mareykanka kadib markii uu jiiray markab

Buundo weyn oo ku taalay dekedda magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa duntay, kadib markii uu jiiray Markab weyn oo ah kuwa koonteenarada qaada ah.

Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa sheegay in gawaari iyo dadkii saarnaa ay ku dhaceen biyaha hoos mara buundada duntay, waxaana socda baadigoobka dad ilaa hadda nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Warka kasoo baxay ilaalada xeebaha dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ilaa hadda nolol iyo geeri lagu la’yahay dad gaaraya lix qof, waxaana dadkaasi loo badinayaa in ay geeriyoodeen , maadaama la la’yahay saacado badan.

Admiral Shannon Gilreath ayaa sheegay in ay joojinayaa howlihii baadgoobka dadka maqan, waxa uuna muujiyay rejo xumo ku aadan in dadkaasi nool yihiin, isaga oo xusay in dhimasho u xisaabinayaan maadama saacado badan biyaha ku maqan yihiin.

Dadka la’yahay ayaa la sheegay in ay yihiin shaqaale dhismo ka waday buundada markii ay dumeysay, waxaana durba bilowday baaritaano ku aadan sida buundada u duntay iyo markabka shilkaasi sababay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -