Madaxa WHO oo walaac ka muujiyey xaalad halis ah oo ka taagan gobolka Tigray

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa khamiistii ka dhawaajiyay xanuunkiisa gaarka ah ee ku aaddan xaaladda gobolka Tigray ee Itoobiya, isagoo ku calaacalay in uusan la xiriiri karin, waxna u qaban karin eheladiisa oo la dhibaateysan gaajo iyo macluul.

“Waxaan halkaas ku leeyahay qaraabo badan, waxaan rabaa inaan lacag u diro, laakiin lacag uma diri karo, way gaajoonayaan, waan ogahay ma caawin karo,” ayuu Tedros u sheegay suxufiyiinta ku sugan xarunta Ururka Caafimaadka Adduunka ee Geneva.

“Ma caawin karo iyaga, ma caawin karo… gabi ahaanba waan kala go’annahay,” ayuu yiri. “Xitaa ma garanayo kan dhintay iyo kan nool.” ayuu raaciyay.

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan caafimaadka, oo qudhiisu kasoo jeeda Tigray, ayaa dhalleeceeyay wuxuu ugu yeeray “Arxandarrada aan la qiyaasi karin” ee lagu hayo lixda milyan ee dadka deggan gobolka waqooyi, oo si wax ku ool ah looga jaray adeegyadii aasaasiga ahaa muddo ku dhow laba sano.

Wuxuu ku tilmaamay Khamiista, in ” xannibaad cuna-qabateyn ah oo heysata nolosha dadka Tigray aysan kaliya aheyn rasaas ama bam, laakiin insida hubkii loo isticmaalay bangiyada, shidaalka, cuntada, korontada iyo daryeelka caafimaadka.”

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii ay dib u bilowdeen dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo jabhadda Tigray kaas oo meesha ka saaray xabbad-joojin muddo shan bilood ah socotay.

- Advertisement -