Haweeney shirqool ku dishay ninkii qabay iyo sabab yaab leh oo ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Swati Reddy oo ah Haweeney ku nool wadanka India iyo nin ay jeceshahay ayaa lagu eedeeyay in ay dileen seygeedii, ka dibna ay qalliin wejiga uga sameeysay ninka ay jeceshahay si ay ugu ekeysiiyo ninkeedii.

Waxay diyaariyeen weerar been abuur ah oo aashito wejiga loogaga shubay ninka ay jeceshahay, si qalliinka ka dib uu ugu ekaado ninkeedii ay dileen, sidaas waxaa sheegay booliska Telangana ee Koonfurta Hindiya.

Qoyka ninkii la dilay ayaa iska aaminay in wiilkooda uu yahay midka aashitada lagu shubay, waxayna bixiyeen qarashkii Isbitaalka, balse ninka dhintay walaalkii ayaa shakiyay markii uu Isbitaalka ku booqday ninka wejiga qalliinka looga sameeyay ee loo ekeysiiyay walaalkii.

Ninkan ayaa dacwad u gudbiyay booliska oo baaritaan dhanka faraha ah ku sameeyay ninka, waxayna ogaadeen in labada nin ay kala duwan yihiin, balse wejigoodu isku mid yahay.

Swati Reddy ayaa la xiray, iyadoo Boolisku sheegeen in jaceylkeedana la soo xiri doono. Rajesh Ajjakolu ayaa weli ku jira isbitaalka, waxaana laga daaweynayaan gubashada Aashitada.

Seygeeda oo lagu magacaabi jiray Sudhakar Reddy, ayaa la sheegay in la dilay 26-kii Nofembar, welina lama helin meydkiisa oo la aaminsan yahay iney goob aan la ogeyn lagu qariyey, iyadoo Booliska sheegay inay qiratay in iyada iyo jeceylkeeda ay dileen seygeeda.

Rajesh Ajjakolu waxaa Isbitaalka la geeyay 28-kii Nofembar, ka dib Swati ayaa qoyska seygeeda ku wargelisay weerarka Aashitada iyadoo jaceylkeeda ka dhigeysa inuu ninkeeda yahay.

Booliska wuxuu tilmaamay in qoyskii ninka la dilay ay moodeen in wiilkoodu yahay ninka la daaweynayay, waxayna bixiyeen $7,758 dollar oo ah qarashkii Isbitaalka.

Shirqoolka iyo khayaanada waxay fashilmeen 9-kii Desembar ka dib markii Mr Reddy walaalkii uu ka shakiyay in ninka uu yahay mid been abuur ah, waxaana arintan oo lala yaabay si weyn u hadal haya shacabka wadanka india iyo warbaahinta caalamka.

Sawirka hore waxaa iskula jira Swati Reddy iyo saygeeda ay dishay, iyadoo sawirka labaadna uu yahay jaceylkeeda oo ku jira isbitaalka, wejiga ninkeediina loo yeelay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -