Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo u mahadceliyay Howlgalka Midowga Afrika (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS Fiona Lortan iyo taliska Ciidammada ATMIS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda iyo taliska ATMIS uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo wada shaqeyntoodii.

Waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku boorriyay howlgalka Midowga Afrika iyo taliska AMISOM in ay sii dardar geliyaan howlaha nabad ilaalinta ee ay dalka u joogaan.

Ciidamada ATMIS ayaa lagu wareejiyay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya intii ay socotay, waxaana aad u yaraa doorka ciidamada dowladda ku lahaayeen sugida ammaanka goobtii doorashada ka socotay.

Related posts

DF oo ka hadashay geerida fanaankii caanka ahaa Faarax Siidow Faarax

Caydiid Ali

Waa Kuma Janeraal Al-Burhan, ninka ay is hayaan Janeraalka geeljiraha soo ahaan jiray?

Cabdi Cade

Sargaal katirsan Ciidanka Nabad sugida oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade