Dad safaf ugu jiray doorashooyin oo isqaadsiiyey cudurka Coronavirus

Ugu yaraan toddoba qof ayaa cudurka Coronavirus qaaday intii lagu guda jiray doorashadii is-reeb-reebka musharaxiinta dimqoraadiga ee gobolka Wisconsin ka dhacday 7-dii April, waxaa sidaas sheegay saraakiisha caafimaadka ee Milwaukee.

Arrirntan ayaa xaqiijisay cabsidii laga qabay in qobashada doorasho ay dadka toos u codeynayaan, xilli ay jirto xasarad caafimaad, ay halis ku tahay dadka.

Toddobadan kiis ayaa waxaa ku jiray lix qof oo ka mid ahaa dadkii ka codeeyey doorashada iyo hal shaqaale doorasho oo ku sugan Milwaukee, oo ah magaalada ugu weyn gobolka, halkaas oo 200 oo goobo doorasho ah lagu soo koobay kaliya shan, waxaa sidaas xaqiijiyey Xafiiska Madaxa Caafimaadka Milwaukee Jeanette Kowalik.

Tirada kiisaska ayaa kordhi karta marka ay dhammaato 14-ka maalmood, ee ah muddada cudurku qaadan karo ka hor inta aanu muujin astaamaha, taasi oo ku eg maanta.

Barasaabka gobolka Wisconsin Tony Evers oo ah dimqoraadi, kaasi oo xaalad deg deg ah uga dhowaaqay gobolka 12-kii March, ayaa isku dayey inuu dib u dhigo doorashada, ama dhammaan codeynta ka dhigo mid boostada lagu soo diro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -