Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fartaag oo booqanaya Baqdaad & Ujeedka safarkiisa

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Abdalla Abdalla iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.

Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay magaalada, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Ziad Taha Ali, oo ah Lataliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq.

Safarkan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo wafdigu la kulmi doono mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Ciraaq.

Dhinaca kale, Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Cirro oo ay wehliyeen saraakiil ka socota Midowga Yurub ayaa maanta Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray dugsiga Jeneraal Dhegabadan ee magaalada Muqdisho, askartaan ayaa loo diyaariyey fulinta howlgallada gaarka ah.

Related posts

Shir xasaasi ah oo ka furmaya Garoowe iyo Xiisada ka taagan doorashada Somalia oo..

Caydiid Ali

Amiir katirasanaa kooxda Daacish oo lagu Celiyay dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Taliyihii ciidanka Booliiska oo loo magacaabay Wasiir katirsan Xukuumadda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---