Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Indhihiisa kusoo arkay Dhibaato Al Shabaab geesteen (Sawirro)

Wasiirka Difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ay wehliyaan taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa iyo masuuliyiin kale ayaa tagay deegaano dhawwaan Al Shabaab laga saaray.

Wasiirka iyo xubnaha la socda oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baladweyne ayaa tagay deegaano ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab, waxaana deegaanadaasi hadda gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad.

Goobaha uu tagay wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah tuulada Teedaan oo dhawwaan Al Shabaab qarxiyeen ceelkii biyaha laga cabi jiray sidoo kale burburiyeen guyrihihii tuuladaasi ku yaalay.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabaab in ay cadaw ku yihiin dadka Soomaaliyeed ayna nolol u ogoleen, waxa uuna xusay in ay qarxiyeen ceelkii ay biyaha ka cabi jireen dad iyo duunyo .

”Shacabka Soomaaliyeed waa in ay fahmaan cadowga lala diriraayo noocuu yahay, bal eega waxa ay sameeyeen, ceelka Tuulada Teedaan waxaa ka cabi jirey dad iyo duunyo wixii deegaankaas ku nool. Ilmaha, haweenka waayeelka, xoolaha, shimbiraha iyo dugaagta maxay galabsadeen, ceelkiina waa qarxiyeen matoorkiina xabado ayey kala daaleen bal cadowgaas adinku magac u baxsha.” ayuu yiri Wasiirka difaaca Soomaaliya.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay qabiilada Soomaaliyeed ee deegaanadooda heestaan Al Shabaab in ay taageeraan ciidamada qalabka sida si kooxdaasi looga saaro deegaanada ay xoogga ku heestaan.

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -