Ciidamada Ruushka oo Duqeeyay xarun Tareenada laga raaco oo kutaalla Ukraine (Sawirro)

Ciidamada Ruushka ayaa duqeyn culus ku garaacay xarun tareenada laga raaco oo kutaalla magaalada Chaplyne ee dalka Ukraine, waxaana duqeyntan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 22-qof ayaa ku dhimatay duqeynta lagu garaacay xarunta tareenada laga raaco ee kutaalla Chaplyne, waxaana duqeyntan ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof oo kale ay ku jiraan carruur yar yar.

Tareen yaalay xarunta la duqeeyay ayaa gabi ahaanba gubtay, waxaa sidoo kale xarunta la duqeeyay soo gaaray burbur aad u xoogan, waxaana xilliga weerarka dhacayay halkaasi ku sugnaa dad aad u badan.

Dowladda Ukraine ayaa ku eedeesay in ciidamada Ruuska si kutala gal ah u duqeeyeen xaruntan laga raaco tareenada ee kutaalla magaalada Chaplyne ayna halkaasi ku laayeen dad badan oo shacab ah.

Ruushka ayaa weerarkan uu ku qaaday xarunta tareenada laga raaco kusoo beegay xilli Ukraine looga dabaaldegayo xuska maalintii ay ka xoroobeen Midowgii Soofiyeete, mana jiro ilaa hada wax war ah oo Ruushka kasoo saaray duqeyntan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -