Dowladda oo shaacisay tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkii Xayaat Hotel

Weerar culus oo isugu jiray ismiidsaamin iyo mid toos ah ayaa habeen hore lagu qaaday hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkan oo socday ku dhawwaad 30-saacadood ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada amniga Soomaaliya ayaana xalay saqdii dhaxe soo afjaray weerarkii Al Shabaab ku galeen hotelka Xayaat, waxaana saakay hotelka laga soo saaray meydadka dad ku dhintay weerarka.

Wasiirka caafimaadka  Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaacisay in tirada dhimasho ay ka xaqiijiyeen isbitaalada Muqdisho ay gaarayaan 21-qof uu tilmaamay in ay ahaayeen Shacab, halka dhaawacyadana gaarayaan 117 qof.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay jiri karaan meydadka dadka dhintay qaarkood in eheladooda xaafadaha u qaateen lana aasay iyada oon la diiwaangelin, waxa uuna xusay in dadka dhaawaca ah 15-qof oo kamid ah ay qabaan dhaawacyo culus.

Wasiirka ayaana ballanqaaday in dowladda Soomaaliya masuuliyad gaar ah iska saari doonto wax u qabashada dadka dhaawacyada kala duwan soo gaareen gaar ahaan kuwa dhaawacyada culus qaba.

Khasaaraha dhimasho ay shaacisay dowladda Soomaaliya ayaa la rumeesan yahay in ay ka badan yihiin dadka ku dhintay weerarka, waxaana jiray tan iyo xalay dad nolol iyo geeri dadkoda ku la’aayeen kuwii oo markii ugu dambeeyay ku sugnaa hotelka Xayaat.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -