Muddo kordhin loo sameeyay Madaxweynaha Jubbaland iyo Baarlamaanka oo ansixiyay

Xildhibaanada golaha wakiiladda dowlad Jubbaland ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta baarlamaanka ee magaalada Kismaayo, waxaana kulanka soo xaadiray sida guddoonka sheegeen 58-xildhibaan..

Kulankan oo ahaa kalfadhigi afaraad fadhigiisi shanaad ee golaha wakiilada Jubbalad ayaa ajandihiisu ahaa in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka u degsan maamulka Jubbaland,.

Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay soo jeedin bishii hore ay soo jeediyeen 30 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, taasoo aheyd in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Jubbaland Qodobka 28aad iyo qodobka 70aad.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib ansixiyey in la badalo labadaas qodob islamarkaana muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno.

Wax ka bedelkan lagu sameeyay dastuurka maamulka Jubbaland , waxaana ogolaaday 55 Xildhibaan, labo xildhiaan ayaa diiday halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

Gudoomiyaha golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in wax ka badal lagu sameeyay muddo xileedka baarlamaanka iyo0 Madaxtooyada lagana dhigay shan sanno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -