Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe iyo xubno uu horkacayo oo gaaray degmada Matabaan (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay  Degmada Matabaan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiirro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale waxaa degmada ku soo dhoweeyay Maamulka Degmada, Saraakiisha  Hay’addaha Amaanka, Waxgaradka, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa Maamulka iyo bulshada Matabaan uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran ee ay u sameeyeen waxa uuna sheegay in dowladda Hirshabeelle ay ka shaqeyn doonto adeegyada horumarineed ee degmada Matabaan.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Degmada waxa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cali Guudlaawe ayaa ka soo ambabaxay degmada Maxaas oo ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay, halkaasoo ay ka socdeen abaabulka howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Related posts

Milateriga Sudan oo dib u qabsaday Madaxtooyada Khartuum

Caydiid Ali

Mike Pompeo oo sameeyey xad gudub ay ku dhiiran waayeen Madaxda Maraykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaraxyo waaweyn oo laga maqlay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---