Allbanaadir.com
NEWS

Shir deg deg ah oo la isugu yeeray madaxda OIC iyo arrinta ay ka hadlayaan oo la shaaciyay

Waxaa socda qaban qaabada shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda waddamada Islaamka, kuwaa oo si weyn uga carreesan falkii dhawwaan nin kasoo jeeda dalka Ciraaq gudaha Swedehn kula gubay Kitaabka Qur’aanka .

Shirkan deg dega ah ee madaxda ururka OIC ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, waxaana shirkan looga hadlayaa falka lagu gubay Kutaabka Qur’aanka iyo sidii ay arrintaasi uga dhiidhin lahaayeen.

Madaxda shirka isugu imaaneysa ayaana si weyn uga doodi doona sidii tallaanooyin isku mid ah uga qaadi lahaayeen dowladda Sweden oo caado ka dhigatay falalka lagula xad-gudbayo laguna gubayao kutaabka Qur’aanka.

Waddamada Islaamka ayaa intooda badan si weyn u cambaareeyay falka ninka kasoo jeeda Ciraaq ku gubay kutaabka Qur’aanka, waxa ayna falkaasi ku tilmaameen mid xad-gudub weyn ku ah diinta Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal naxtin leh oo goordhaw ka dhacay xaafad katirsan Muqdisho

Cabdi Cade

Mareykanka oo isku keenaya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland

Cabdi Cade

Israel oo duqeyn ku leysay Dr. Hassan Hamdan & qoyskiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---