Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dhismaha Wado 55-km ah oo isku xireysa Saddex magaalo oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku soo gaaray Degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan, ayaa dhaggax dhigay Wado Isku xiri doonta magaalooyinka Sheerbi, Dhahar iyo Xingalool.

Madaxweynaha, ayaa muujiyey muhiimada ay u leedahay Puntland dhaggax dhiga wadadan, isagoo xusay in Wadadan ay dadka Gobolka Haylaan ku xireyso Gobollada kale ee Puntland isla markaana ay ka qeyb qaadan doonto, Horumarka, Kobcinta ganacsiga iyo dhoofinta Xoolaha.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 55Km ayaa waxaa iska kaashaday  Puntland iyo Banggiga African Development Bank, Save The Children iyo urur Goboleedka IGAD. Waxaana maanta toos loo billaabay dhismaha Wadadan oo qorshuhu yahay in wakhti kooban lagu dhameystiro.

Munaasabadda dhaggax dhiga waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan, Masuuliyiinta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Hay’adda Wadooyinka Puntland, Shirkadda dhisaysa Wadada iyo Madax ka socota Banggiga African Development Bank, hay’adda Save The Children iyo IGAD, qaar ka mid ah xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Gobolka Haylaan iyo Bulshada Degmada Dhahar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo sheegay inuu Wadahadal la furayo siyaasiyiinta Galmudug

Caydiid Ali

Deni & xubno kale oo ka qeyb galay aaska Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Max’uud (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Kampala kula kulmay Gaston Sindimwo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---