Allbanaadir.com
NEWS

Deeqdii raashinka ee katimid Imaaraadka oo lagu wareejiyay Wasaaradda arrimaha gudaha (Sawirro)

Isku duwaha guud ee Xafiiska Ergeyga gaarka ah Abdusalam Salwe oo uu wehliyo Kaaliyaha gaarka ah ee Ergeyga Dalmar Xasan Yuusuf, ayaa 40 Konteenar oo ay jirto deeq gargaar ah (Raashin) ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS.

Isku duwaha ayaa Wasiiru Dowladaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Ilyaas Cali Xasan ku waeejiyay deeqdaan oo ah gargaar ay Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, taas oo gaareysa 1,070 tan oo Dowladda Soomaaliya guddoontay 13 Agoosto 2022.

Macawinadaan ayaa ah raashin isku dhaf ah oo ka kooban cunnooyinka asaasiga u ah nolosha bani’aadanka, waxaana loogu tala-galay in wax looga qabto xaaladda nololeed ee dadka abaaruhu saameeyeen sida ay u kala daran yihiin.

Ugu danbayn, Isku duwaha oo saxaafadda la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in diiradda la saaro garab istaagga dadkeenna abaarahu ceyrteeyeen.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdi la socda oo goordhaw ka dhoofay Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo caawa ka qaybgalay xuska Munaasabada 26-ka Juun

Caydiid Ali

Isbitaalka Kalkaal oo soo gebagabeeyay Qaliino ay sameeyeen Dhaqaatiir Ajnabi ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---